HomeWararkaMaxkamadda ICJ Oo War Kasoo Saartay Wakhtiga Loo Mudeeyay Dacwadda Badda Ee...

Maxkamadda ICJ Oo War Kasoo Saartay Wakhtiga Loo Mudeeyay Dacwadda Badda Ee U Dhaxaysay Kenya Iyo Soomaaliya

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaadhay labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo tallaabada Kenya ka jawaabeysa ay qoraal u gudbisay Maxkamadda, ayna ku caddaysay in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwadda bilaabanaysa bisha March, oo aysan dooneyn dib u dhigis kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments