Friday, September 20, 2024
HomeWararkaGuddida Wasiirada ah ee u xilsaaran nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo xubnaha Xildhibaanada...

Guddida Wasiirada ah ee u xilsaaran nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo kulmay

Guddida Wasiirada ah ee u xilsaaran nabadgelyada Magaalada Laascaanood iyo xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee uu Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ee Golaha Wakiiladu u magcaabay ka soo talo bixinta Magaalada Laascaanood ayaa kulan muhiim ah yeeshay.

Shirkan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed oo shir gudoomiyey kulankan, ayaa lagaga wadahadlay dagaalka iyo duulaanka lagu soo qaaday Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu warbixin buuxda Xildhibaanada ka siiyey xaaladda Magaalada Laascaanood bilow ilaa dhamaad, isagoo Wasiirku uga waramay Xildhibaanada marxaladii iyo kulamaddii ay nabad ku raadinayeen weftiga Wasiirada ahi mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale xubnaha Golaha Wasiiradu waxay Xildhibaanada uga warameen kulamadii dhexmaray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Wefti Wasiirada ah ee uu Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha mudadii ay joogeen Magaalada Laascaanood.

Kulankan Wasiirada iyo Guddida Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ku soo dhamaatay is faham, iyadoo isla qaatay in laga wada shaqeeyo difaaca Qaranka iyo kor u qaadista wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Wakiilada.

Xubnaha Wasiiradda
1- Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
2- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore
3- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid).
4- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.
5-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Salebaan Warsame Guuleed.
6- Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax.

Xubnaha Xildhibaanada

1- Xil: Axmed Cabdi Ibraahim (Timo Jilic), Gudoomiye.
2- Xil: Axmed Muuse Jaamac.
3- Xil: Xuseen Ismaaciil Jaamac.
4- Xil: Cabdirsaaq Yuusuf Cismaan.
5- Xil: Cabdilaahi Yuusuf Axmed.
6- Xil: Cali Xuseen Nuur.
7- Xil: Maxamed Xasan Siciid.
8- Xil: Cabdillaahi Muuse
9- Xil:Axmed Cabdi Ibraahim.
10-Xil: Barkhad Jaamac Batuun.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version