Monday, September 16, 2024
HomeWararkaMadaxweyne ku xigeenka Malawi oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Madaxweyne ku xigeenka Malawi oo xabsiga loo taxaabay musuq-maasuq dartiis

Madaxweyne ku xigeenka waddanka Malawi Saulos Klaus Chilima ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay soo dhammaaday baaritaan eedeymo la xiriira musuq-maasuq uu kusoo eedeeyay xafiiska la-dagaallanka musuq-masuqa ee waddankaas.

Khudbad heer qaran ah oo uu jeediyay bishii Juun, madaxweynaha Malawi Lazarus Chakwera ayuu ka xayuubiyay Chilima awoodiisa inta ay socoto baarintaannada la xiriira musuqmaasuqa.

Laakiin wakhtigaas madaxweynaha – oo qaaday olole ka dhan ah musuqmaasuqa – wuxuu sheegay in aanu awood dastuuri ah u lahayn inuu shaqada ka joojiyo Chilima ama uu ka qaado xilka madaxweyne ku xigeenka.

Hay’adda la-dagaallanka musuq-maasuqa ayaa Chilima ku eedeeyay in lagu abaalmariyay caawimaad uu u sameeyay shirkadaha Xaviar Limited iyo Malachitte FZE, oo ah laba shirkadood oo xiriir la leh ganacsade Ingiriis ah oo lagu magacaabo Zuneth Sattar, si ay qandaraasyo u siiso dowladda Malawi.

“Ma jirto wax faahfaahin ah oo aan ka bixinayo. Waxaan maxkamadda u oggolaan doonaa in hannaanka uu socdo,” ayuu Chilima ugu sheegay suxufiyiinta maxkamadda bannaankeeda kadib markii la siiyay dammaanad, sida ay sheegtay warbaahinta.

Bishii Janaayo ee sanadkan, madaweynaha Malawi, Chakwera, ayaa kala diray dhammaan golahiisa wasiirada, kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq ka dhan ah saddex wasiir oo xilka hayay.

 

Source: Reuters.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version