Thursday, September 19, 2024
HomeWararkaRuushka oo ka baxay heshiiskii Qaramada Midoobay ee dhoofinta qamadiga Ukraine

Ruushka oo ka baxay heshiiskii Qaramada Midoobay ee dhoofinta qamadiga Ukraine

Moscow(Haldoor News):-Xukuumadda Moscow ayaa hakisay dhaqan-gelinta heshiiskii dhoofinta qamadiga ee ay garwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay, kaas oo oggolaaday in ka badan 9 milyan oo tan oo qamadi ah laga dhoofiyo dalka Ukraine, taas oo gacan ka geysanaysa yaraynta dhibaatada cuntada adduunka iyo hoos u dhigista qiimaha.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in aysan sii dammaanad qaadi doonin badqabka maraakiibta xamuulka ah ee ka qeyb qaadanaya heshiiskii Qaramada Midoobay, iyadoo sabab uga dhigaysa ka bixitaankeeda weerar lagu eedeeyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadeen maraakiibta Ruushka ee Badda Madow ee ku sugan xeebaha Crimea ee Ruushku heysto.

Ruushka ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay subaxnimadii hore ee Sabtida; Ukraine ayaa beenisay weerarka.

“Marka la eego ficillada ciidamada qalabka sida ee Ukraine … dhinaca Ruushka ma dammaanad qaadi karo badbaadada maraakiibta shixnadaha qalalan ee rayidka ah ee ka qayb qaadanaya hindisaha Badda Madow, waxayna joojinayaan dhaqangelintooda laga bilaabo maanta muddo aan xadidneyn,” ayaa lagu yiri bayaanka Ruushka.

Ku dhawaaqida Ruushka ayaa timid maalin kadib markii Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Antonio Guterres uu ku boorriyay Ruushka iyo Ukraine inay cusbooneysiiyaan heshiiska dhoofinta qamadiga.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa tallaabada Ruushka ku tilmaamay mid la saadaalin karay.

Waxa uu Moscow ku eedeeyay inay ” xannibtay” maraakiibta sida cunnada tan iyo bishii Sebtembar, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press. Waxa uu sheegay Zelenskyy in xilligan 176 markab oo badda ku jirta ay sidaan in ka badan 2 milyan oo tan oo cunto ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version