Monday, September 16, 2024
HomeWararkaKulankii Seddexaad Ee Wada Hadallada Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Si Rasmi...

Kulankii Seddexaad Ee Wada Hadallada Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Si Rasmi Ah Maanta Loo Gudo-Galay.

-Waxa sidii ballankii shalay ahaa si rasmi ah qasriga madaxtooyada uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaana shirka furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Qaranka, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version