October 2, 2021

October 2, 2021

Hadaad Gabiley ku Heshiin weydaan Qarana ku Heshiin…” Faysal Cali-waraabe

Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal cali xuseen Faysal caliwaraabe iyo wefti uu hogaaminaayo oo Socdaal ku tagay…

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo ka Hadlay Dhaawicii Loo Gaystay Xildhibaan Guruuje Oo Aan Wali Xukuumada Soo Xidhin Masuulkii Weeraray!

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Iyo xildhibaano katirsan golaha ayaa  ka Hadlay Dhaawicii Loo Gaystay Xildhibaan Guruuje Oo Aan Wali Xukuumada Soo…

“Hadaad Gabiley ku Heshiin weydaan Qarana ku Heshiin…” Faysal Cali-waraabe

Warning: Trying Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal cali xuseen Faysal caliwaraabe iyo wefti uu hogaaminaayo oo Socdaal…

Guddoomiyaha SOLJA Oo Shaaciyay Bilawga Tartanka Cawke Aword

     Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu sanad walba qabtaa Abaalmarinta cawke oo ku suntan dhiirigalinta saxafiyiinta, xuska maalinta…

Boorama:Xafiiska Haayadda dhawrista Tayadda Oo Xadhiga laga Jaray

     Badhasaabka gobolka Awdal oo uu wehelinayo guddoomiyaha haayadda dhawrista tayadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska ay haayadaasi…

Laascaanood: Booliska Oo Magaaladda Ka ururiyay Dadka Ka Soo jeeda K.Soomaaliya By admin – October 2, 2021045 Laascaanood (HP): Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka soconaya magaaladda Laascaanood hawl gallo ay ciidamadda amaanku ku ururinayaan dadka ka soo jeeda koonfurts Soomaaliya. Hawl galadaasi ayay ciidamadda boolisku ku beegsanayaan dadka aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Sooomaaliya. Kuwaasoo u badan ganacsato ayaa la sheegay in ciidamadu ay suuqyadii ay ku ganacsanayeen ay ka ururiyeen, kadibna ay geeyeen meel xerro ah. Halkaasoo la isugu keenay ku dhawaad boqol qof oo ah dad aan u dhalan Somaliland ee ka soo jeedda koonfurta Soomaaliya. Waxaanay wararku sheegayaan in xataa qaar ka mid ahaa ganacsatadaasi in meheradahoodii albaabadda la isugu dhuftay, isla markaana laga kexeeyay. Sababta keentay in magaaladda Laascaanood ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha tallaabo wax lagaga qabanayo amaanka magaaladaasi. Iyadoo ay mudooyinkan danbe magaaladda Laascaanood ka dhaceen dilal loo gaystay xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda Somaliland ka tirsan. Dilalkaasi kala danbeeyay ee Laascaanood ka dhacay ayaan ilaa hadda cid loo qabanin, inkastoo ay booliska iyo maamulka gobolka Sool ba sheegaan in baadhitaan la waddo. Hase yeeshee kadib markii ay adkaatay in wax raad ah loo hello cidii ka danbaysay dilalkaasi ayaa ciidamadda amaanku ay tallaabadani qaadeen. Talaabadani ayaa lagu tilmaamay mid la xidhiidha si amniga wax looga qabto, isla markaana loo xaqiijiyo sugnaantiisa ayay ciidamadda amaanku qaadeen. Dadkan laga ururiyay magaaladda Laascaanood oo meel xerro ah la isugu geeyay ayaa la sheegay in maalmaha soo socda loo tarxiilo dhinacaasi iyo koonfurta Soomaaliya. Geesta kale hawl galadani Laascaanood lagaga raafayo dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili ay magaaladaasi ku sugan yihiin wefti wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland. Weftigaasi oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, oo muddo saddex maalmood ah ku sugan Laasaacnood ayaa kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda. Dhinaca kale ma jiro wax war ah oo uu maamulka gobolka Sool iyo haayadaha amaanku kaga hadleen tallaabadani lagu raafayo dadka aan u dhalan Somaliland ee ku nool Laascaanood.

Home       :Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay ka soconaya magaaladda Laascaanood hawl gallo ay ciidamadda amaanku ku ururinayaan dadka…