June 19, 2021

June 19, 2021

Roob Dabaylo Wata Oo Ka Da,ay Degaano katirsan Degmada Allaybaday Iyo Khasaaraha Uu Sobobay.

ALLAYBADAY(W,N)-Roobab laxaadle oo watay dabaylo ayaa ka da,ay deegaano kamid ah degmada allaybaday kaasi oo khasaare soo gaadhsiiyay qaarkmaid ah…

Safaarada Jsl Ee Dalka Itoobiya Oo Daahfurtay Qorshe Ay Adeegyo Ugu Qabanayso dadka Reer Somaliland Ku Dhaqan Itoobiya.

Kulan ay soo qaban qaabisay safaaradda JSL ay ku leedahay dalka Itoobiya, isla markaana dhexmaray masuuliyiinta safaaradda iyo qaar ka…

Warbaahinta The Elephant Oo Warbixin Ay Ka Diyaarisay Jsl Ciwaan Uga Dhigtay ‘Somaliland; Halka Bariga Afrika Ugu Dimuqraadiyadsan”

Warbaahinta Caalamiga ah ee ‘The Elephant’, Ayaa wax ka qortay isla-markaana War-bixin muuqaal ah ka Samaysay Dimuqraadiyadda iyo nidaamka doorashooyinka…

Amb Cawil Cali Ducaale Oo Dhaliilay Isbahaysiga Xisbiyada Mucaaridka!

Taliyaha Madaxwayne Muuse Biixi Ee arimaha wada hadalada Somaliland iyo Somaliland hore usoo noqday Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada xukumadii…

Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay. Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo isku dhinac ah, ayaa doonaya in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Gobolka Sool uga soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, halka Xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE uu doonayo in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada loo doorto Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir oo ka soo baxay Gobolka Sool. Labada xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa haysta aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo dhan 52, taasaana keentay inay ku hamiyaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu noqdo Xubin Mucaarad, laakiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE oo haysta 30 Mudane ayaa isaguna doonaya in Guddoomiyaha Golahaasi noqdo Xubin Muxaafid ah, taasi su’aalo badan dhalisay, maaddaama oo la iswaydiin karo habka uu arrintaasi u marayo, inkasta oo ay jiri karaan Xildhibaano ka soo baxay Mucaaradka oo aragi ahaan taabacsan in Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) uu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Is-riix-riixaa siyaasadeed awgeed, ayaa waxa soo baxay Xildhibaano ka mid ah Xisbiyada Mucaarad oo sheegaya in Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye ka mid ahi u soo bandhigeen Lacago, si ay codkooda u siiyaan Yaasiin Faratoon oo Muxaafidku la doonayo Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada. Sheekh Siciid Ismaaciil Sokeeye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada oo Shalay khudbaddii Jimcaha ku soo hadal-qaaday Tartanka loogu jiro Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay doonayso inay laaluushto Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah “Malaayiin bay maraysaa Laaluushkii, in Cod la iibsado, si Baarlamaankeenii iyo Goleyaashii deegaankeena loogu dhiso Xaaraan, iyadoo la leeyahay waxaas baa lagu siinayaa ee Codka na sii.” Xildhibaan Khadar Cali Xakiin oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo baxay Gobolka Sanaag oo isaguna la hadlay Telefiishanka SAHAN, ayaa sheegay in loo soo bandhigay lacag, si Codkiisa u siiyo Yaasiin Faratoon oo Kulmiye u wado Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada “Xildhibaannadii doorashadooda dhibka loo soo maray goormay la mid noqdeen Xoolaha daabaxa ah ee Sayladda taagan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa lagu odhanayaa Xukuumaddu waxay doonaysaa inay soo iibsato 12 Xildhibaan, waxaan leeyahay ma jiro Xildhibaan Iib ahi, waxa jira Rag sheeganaya inay Madaxweynaha Gacan-yarayaaal u yihiin oo ay yihiin Mukhalasiin, waxaan leeyahay Madaxweyne ma adigaa dirsaday, haddaad Madaxweyne Adigu dirtay fadhiisi, Waayo? tani waxay ceebaynaysaa doorashadii wanaagsanayd ee inoo dhacday..”

Ololaha loogu jiro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Marxalad cusub u gudbay. Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo…

Codka in la iibsado waa xaaraan”… Sheekh Dirir

     Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland oo khudbadii Jimcaha ku soo qaatay…