Thursday, September 19, 2024
HomeWararkaNicolas Berlanga: Midowga Yurub Waxaa Ka Go’an Inay Taageerto Dimuqraadiyadda Somaliland

Nicolas Berlanga: Midowga Yurub Waxaa Ka Go’an Inay Taageerto Dimuqraadiyadda Somaliland

    

Midowga Yurub, ayaa ka hadlay 13 Baabuur oo ay ugu deeqeen dhowaan Hay’addaha Amniga iyo kuwa Garsoorka ee dalka Somaliland.

Warmurtiyeed ka soo baxay Midowga Yurub, ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu Gaadiidkaas uu Somaliland u soo mariyay hay’adda UNDP.

Waxaanay sidoo kale ay caddeeyeen in lix baabuur loogu talo galay in Ciidanka Boolisku ka hawlgalaan lix  gobol, halka  baabuurta soo hadhayna la siiyay Hay’addaha Garsoorka.

Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inay taageeraan Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland, isla markaana 13kaas Gaadhi ay u asteeyeen in lagaga shaqeeyo Ammaanka doorashada iyo la socodka iyo qabanqaabada Doorashooyinka.

Wasiir ku–xigeenka Arrimaha Gudaha Naasir Caydiid Maxamed, ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub waxaanu sheegay inay Gaadiidkaas lagaga shaqeyn doono sugida Nabadgelyada Doorashada.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version