Thursday, September 19, 2024
HomeWararkaFaysal Cali Waraabe oo Sheegay In Wada-hadallada Soomaaliya Ay Niyad-jebiyeen Dalal Doonayey...

Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Wada-hadallada Soomaaliya Ay Niyad-jebiyeen Dalal Doonayey Inay Somaliland Ictiraafaan

    

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadalladii ay Somaliland la furtay dowladda Soomaaliya ay qadiyadda Somaliland waxyeelo u gaysteen.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay adduunka ugu macnaysay wada-hadallada in ay yihiin wada-hadalo dib loogu midaynayo Koonfur iyo waqooyi.

“Arrinta way beddeleen shakhsiyaadka kolba Muqdisho fadhiista ee dowladda isku sheega, adduunkii waxay ka dhaadhiciyeen in ay yihiin wada-hadalada lagu midoobayo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Inaguna awood aynu ku fidino nuxurka saxda ah maynaan yeelan”

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in wadahadaladu ay sababeen in waddamadii doonayay in ay Somaliland aqoonsadaan ay hakiyaan aqoonsigii “Waxay keentay in waddamadii u soo hanqal-taagayay ictiraaf keena la hakiyay, taasi waxay keentay in dowlad aan jirin la ictiraafo..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey  “Waa in ayu wada-hadallada joojinaa, dalkeenii waynu haysanaa, waa in aynu qadiyadadeena Adduunka ka iibinaa..”

Guddoomiye Faysal, ayaa sheegay in Somaliland ay 2012 markale qaaday talaabadii ay Soomaaliyadii Talyaaniga ugu biirtay 1960 oo kale “Qaladkii aynu galnay 1960-kii ayaynu markale galnay 2012 markii aynu la hadalnay dal aan jirin” ayuu yidhi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version