Monday, September 16, 2024
HomeWararkaMasar oo Fursaddii Ugu Dambeysay Siisay Ethiopia

Masar oo Fursaddii Ugu Dambeysay Siisay Ethiopia

    

Kulanka ugu dambeeya ee u dhaxeeya Masar, Sudan iyo Ethiopia ee la xidhiidha biyo xidheenka ay Ethiopia ka sameyneyso webiga Nile waa fursaddii ugu dambeysay ee heshiis lagu gaadhi karo kahor inta ayna Ethiopia dib u billaabin buuxinta biyo-xidheenka, waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku sheegtay Masar.

Kulanka ayaa Isniintii maanta kusoo geba-geboobaya magaalada Kinshasa.

“Wada-xaajoodyadan waxay ka dhigan yihiin fursaddii ugu dambeysay ee ay tahay in saddexda dal ay ka faa’iideystaan si ay heshiis u gaadhaan….kahor xilliga daadadka,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Masar.

Toddbaadkii tegay, madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi ayaa sheegay inay jiri doonto “xasillooni darro aan la qiyaasi karin oo ka dhacda gobolka,” haddii biyaha Masar ay hesho uu saameeyo biyo-xidheenka.

“Ma jirto cid hal dhibic oo biyo ah ka qaadan karta Masar, cid kasta oo dooneysa inay isku daydana, ha isku daydo,” ayuu yidhi. “Cidna ma qiyaaseyso inay ka fog tahay awoodaheena,” ayuu yidhi Sissi.

Sudan ayaa waxaa hadda xiisad kale oo dhanka xuduudda ah ay kala dhaxeysaa Ethiopia, taasi oo salka ku haysa dhul beereedka gobolka al-Fashqa, waxaana Sabtidii ay dhoola-tus militari la sameysya Masar.

Hadalka cusub ee Masar kasoo baxay, iyo kuwii uu toddobaadkii tegay jeediyey madaxweyne al-Sissi, ayaa cabsi dagaal gelinaya gobolka, waxaana taxliiliyayaasha siyaasadda ay rumeysan yihiin in haddii wada-hadallada Kinshasa ay guul-darreystaan uu dagaal ka dhici karo gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version