Wednesday, October 23, 2024
HomeWararkaMadaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Maanta Aas Qaran Loogu...

Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho

Cali Mahdi Maxamed oo lagu aasay Muqdisho
Cali Mahdi Maxamed oo lagu aasay Muqdisho
    

Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana salaada janaasada ka qeyb-galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamned Cabdilaahi Farmaajo iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Markii ay soo cago dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuum madaxweyne Cali Mahdi waxaa kale oo ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale, waxa janaasada marxuumka ka qeyb-galay oo iyagna ku tukaday Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed, Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliya, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Meydka marxuumka ayaa markii ay madaxdu ku tukatay salaada janaasada loo qaaday halka lagu aasi lahaa oo la sheegay iney tahay Masjidka Cali Mahdi oo ku yaalla dagmada Yaaqshiid, halkaas oo la sheegay in marxuumka uu ka dar-daarmay in lagu aaso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version