Monday, September 16, 2024
HomeWararkaWarbaahinta Dunida oo Waxka Qoray Hadal Ku Jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Biixi Ka...

Warbaahinta Dunida oo Waxka Qoray Hadal Ku Jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweyne Biixi Ka Jeediyay Baarlamanka

Madaxweyne Biixi
Madaxweyne Biixi
    

Warbaahinta dunida qaarkood, ayaa wax ka qoray hadal ku jiray Khudbad-sanadeedkii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu Toddobaadkan u jeediyey labada Gole ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha oo khudbad dheer u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka (Guurtida/Wakiillada), ayaa waxa ku jiray Farriin uu ku canaantay Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay indhaha la qarsatay Dawladnimada Somaliland iyo waxa Shacabka Somaliland gacmahooda ku samaysteen.

Warbaahinta kala ah Menafn.com, Taiwan Times iyo busiweek, ayaa siyaabo kala duwan u soo qaatay qaybo ka mid ah khudbaddii Madaxweynaha Somaliland u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka, waxayna si gaar ah isku dul taageen khudbadda inta khusaysey Qaramada Midoobay iyo siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo Madaxweynuhu sheegay in sannadkii tagay ee 2020 wax badan ka hirgaleen, isagoo Tusaale u soo qaatay kulan uu Magaalada Nairobi kula yeeshay dhiggiisa Kenya Uhurru Kenyatta.

Warbaahinta Menafn ayaa War-bixinta ka samaysay hadalka Madaxweynaha Ciwaan uga dhigtay “Madaxweyne Biixi oo Qaramada Midoobay ku tilmaamay mid aan Ixtiraamayn Qawaaniinta u gaarka ah (Somaliland)..”, waxayna Warbaahintaasi oo faallaynaysaa sheegtay in hadalka Madaxweyne Muuse Biixi muujinayo sida Somaliland ugu baahan tahay Aqoonsi, maaddaama oo horumarka dalku ku xidhan yahay xidhiidhka marka la aqoonsan yahay uu la yeelanayo Dalalka kale ee Caalamka.

Warbaahinta busiweek, ayaa iyaduna si gaar ah u soo qaadatay hadalka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kaga hadlay siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kaasi oo nuxurkiisu ahaa in kulankii uu Nairobi kula yeeshay Uhurru Kenyatta uu rejo cusub u abuuray Somaliland.

Warbaahinta busiweek waxay sheegtay in Somaliland hirgelisay Nabadgalyo, doorasho cod iyo Qof ah iyo arrimo kale oo muhiim ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version