Tuesday, October 22, 2024
HomeWararkaWasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Bogaadisay Dawladda Maraykanka

Wasaaradda Deegaanka Somaliland Oo Bogaadisay Dawladda Maraykanka

    

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ayaa soo dhawaysay qoraal ay dawladda Maraykanku ku bogaadisay xukunkii maxkamadda Hargaysa ay ku riday Ragg si sharci darro ah  uga ganacsanayay dhoofinta Harimcadka.

Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Facebook ee Internet-ka ee wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay soo dhawaynayaan boogaadinta Somaliland uga timid dawladda Maraykanka.

Hase yeeshee, wasaaradda deegaanka Somaliland waxay ka jawaabtay in qoraalkaasi aan meelnaba lagaga xusin Somaliland, balse ay ka soo qaadeen sidii oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

“Waan ku faraxsannahay in aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee aanu qabannay.

Sidoo kale, waa in aan tilmaannaa in Hargaysa tahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo aanay meelna kaga jirin Soomaaliya” ayaa lagu yidhi woraal wasaaradda deegaanka Somaliland ku baahisay barta ay ku leedahay baraha bulshada .

Geesta kale wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sannadaha wadday dadaalo la xidhiidha sidii loo ilaalin lahaa duurjoogta iyo dhirta oo muhiimad weyn u leh dalka.

Waxaanay wasaaradda oo kaashanaysa haayadda CCF ay xidhxidhay dad badan oo lagu qabtay iyaga oo ka ganacsanaaya noocyada duurjoogta gaar ahaan Harimcadka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version