Waxa xalay niskii dambe lagu kala kacay wada hadaladii xisbiyadda mucaaradka ah iyo xukuumadda Somaliland ay u balansanaayeen.

Fashilka wada xaajoodkan ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ergada uga qayb galaysa magacyadoodu ay dibada u soo baxeen kuwaas oo ay xisbiyada mucaaradka ahina ay ka biyo diideen.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa diidmadooda u cuskaday in xubnaha ay hor fadhiisan doonaan aanay talada iyo waxa lagu heshiiyo midkoodna fulin karin.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *