HomeWararkaXukuumadda oo Fasaxday Dugsiyada Waxbarashada

Xukuumadda oo Fasaxday Dugsiyada Waxbarashada

 Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday inay fasaxday dhamaan dugsiyadii waxbarashada sababo la xidhiidha xannuunka COVID-19.

Waxaana sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo maanta warbaahinta la hadlay.

Maalinnimadii Axada ayay ahayd markii Wasaaradda Waxbarashada, ay Guddida la dagaalanka xanuunka Covid-19 u gudbisay dalab ku aadan Dugsiyada dalka, sababo la xidhiidha xanuunkaasi.

Wasaaradda ayaa Guddida xanuunka Covid-19 ka dalbatay in Ardayda dugsiyada la fasaxo muddo laba bilood ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments