HomeWararkaXisbiga UCID oo Caydhiyay Cabdinaasir Qodax

Xisbiga UCID oo Caydhiyay Cabdinaasir Qodax

Home  Latest News
    

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa waxaa uu xubinimadii iyo xilkii ka qaaday xoghaye ku xigeenkii xisbigaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).

Xilka qaadista uu Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ku sameeyay Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa yimid kadib markii maanta isaga iyo Xildhibaano uu hoggaaminayay ay isbahaysi la samaysteen xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Afhayeen u hadlay xisbiga mucaaradka UCID, ayaa si rasmi ah u caddeeyay in Qodax laga caydhiyay xisbiga UCID.

Waxaanu afhayeenka u hadlay xisbiga UCID uu sheegay in xilka qaadista Cabdinaasir Qodax loo cuskaday qodobka 7aad farqadiisa 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 8aad.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Cabdinaasir Qodax iyo xildhibaanada uu hoggaaminayay ay ku xad gudbeen wixii bulshadu ugu codaysay oo ah is badal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments