Xaalad biyo la’aan aad u daran ayaa laga soo sheegayaa magaaladda Badhan oo ay haatan bulshadeedu la daalaa-dhacayaan xaaladaasi soo food saartay.

Waxaana sidoo kale kor u dhacay qiimaha biyaha lagu iibiyo, taasoo ay sababtay in is bedel uu ku yimid qiimihii lagu iibin jiray raashinka la cuno.

Biyo yaraanta ka taagan Badhan waxaa sabab u ah kadib markii uu aasmay ceel biyood ku yaalla magaaladaasi oo ay bulshadda Badhan iyo deegaamadda u dhaw dhaw ka cabi jireen.

Waxaana la sheegay in hadda magaaladda Badhan biyaha looga soo dhaamiyo meel qiyaastii u jirtay 160KM.

Iyadoo meelahaasi ay biyaha ka soo dhaamiyaan Booyaddo, kuwaasoo dadka kaga sii iibiya qiimo dhan $5 dollar Foostadiiba.

DAAWO: Warbixin Laga Diyaariyay Biyo Yaraanta Badhan:

 

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *