HomeWararkaShacabka Magaalada Jig jiga Oo Maanta Iskugu Soo Baxay Tukashada Salaad Roob...

Shacabka Magaalada Jig jiga Oo Maanta Iskugu Soo Baxay Tukashada Salaad Roob Doon Ah.

Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga.

Maamulka u sarreeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga dulqaado dadka iyo duunyada, isla markaana Ilaahay u keeno roob khayr qaba.

Salaaddan roob doonta ayay dadku tukanayaan iyadoo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhammaan degaanka laga soomanaa, maantana ay dadku banaankan isugu soo baxeen si Alle u baryaan, abaartana ugu badalo roob lagu qabowsado.

Guud ahaan degaanka Soomaalida ayaa waxaa ka jirtay abaaro iyo roob yari, iyadoo meelo aad u yar maalmihii u dambaysay laga soo sheegayay roob aan sidaa u badnayn.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments