HomeWararkaMadaxweynaha Jabuuti oo Qaatay Tallaalka Covid-19

Madaxweynaha Jabuuti oo Qaatay Tallaalka Covid-19

    

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19, sida uu ku shaaciyay barta uu ku leeyahay Facebook.

Arrintani ayaa ku soo beegmaysaa xilli Jabuuti maanta laga daahfuray barnaamijka lagu tallaalayo dadka.

Jabuuti ayaa dhawaan heshay tallaalka ka hortagga Covid-19.

Wasiirka caafimaadka Jabuuti Maxamed Warsame Diiriye, ayaa dhawaan sheegay in xidhmooyinka haatan soo gaadhay ay yihiin kuwo lagu sii bilaabayo dadka aadka ugu baahan.

Waxaana uu sheegay in bishan dhexdeeda ay sugayaan ilaa 300,000 oo xidhmo ah oo ay dowladda Jabuuti ka soo iibsatay Shiinaha.

    

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments