HomeWararkaLaascaanood: Wasiirro Kormeeray Xafiisyadda Wasaarradaha Cadaaladda iyo Waxbarashadda

Laascaanood: Wasiirro Kormeeray Xafiisyadda Wasaarradaha Cadaaladda iyo Waxbarashadda

    

Xubnaha wasiirrada iyo masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland ee  hawlaha shaqo u jooga magaaladda Laascaanood ayaa maanta kormeeray xafiisyadda ay magaaladda Laascaanood ku leeyihiin wasaarradaha waxbarashadda iyo cadaaladda.

Waxaana kormeerkaasi hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyadoona ay wehelinayeen wasiirka xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Wasiirka hawlaha guud, wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore, badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiintaasi ayaa warbixino ka dhegaystay shaqaalaha iyo masuuliyiinta xafiisyaddda wasaarradaha cadaaladda iyo waxbarashadda ee gobolka Sool  ee ay maanta kormeerka ku soo mareen.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments