Prof. Diiriye Ismaaciil Ereg
Prof. Diiriye Ismaaciil Ereg
    

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ku geeriyoodey Hormuudkii Kuliyadda Caafimadka ee Jamaacada Hargeysa Prof Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg.

Prof Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg ayaa 20-kii sanno ee u dambeeyay ka shaqeynayay horumarinta iyo aasaaska caafimadka dalka Somaliland.

Dhakhtar Diiriye wuxu ahaa shaqsi ku sifoobay hawlkarnimo, haladeyg, daacadnimo, dulqaad, sinaan iyo cadaalad.

Alle ha u naxriistee Prof Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg waxaa uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee ka badbaaday ama ka madhnaa aafada qabyaalada ama qof-jeclaysiga.

Prof Dr. Diiriye Ismaaciil Ereg alle ha u naxariistee waxaa uu soo saaray dhawr boqol oo dhakhatiirta wadanka Somaliland ku fidsan.

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *