HomeWararkaGolaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dowladda

Golaha Wakiilada oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dowladda

Baarlamanka Somaliland
Baarlamanka Somaliland
    

Xildhibaanada aqalka golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhi ay maanta yeesheen ku ansixiyay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021, kaasi oo waxka bedel iyo kaabis lagu sameeyay.

Fadhigan ay xildhibaanadu ku ansixiyeen xeerka shaqaalaha dowladda ayaa waxaa shir-gudoominayay guddoomiyaha golahaasi Baashe Maxamed Faarax.

Sidoo kale, waxaa fadhiga ku sugnaa 42 mudane, waxaa xeerkaasi cod aqlabiyad ah ku meel mariyay 36 xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen waxaana diiday 1 xildhibaan, iyadoona aanu Guddoomiyuhuna codayn, sidaasina waxaa ku ansaxay xeerka shaqaalaha dawladda ee xeer lanbar 97/2021.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments