HomeWararkaDugsi Ay Hirgelinayso D/Hoose Ee Gabiley Oo La Dhagax Dhigay

Dugsi Ay Hirgelinayso D/Hoose Ee Gabiley Oo La Dhagax Dhigay

    

Badhasaabka C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, iyo maayarka degmadda Gabiley ayaa maanta si wada jir ah u dhagax dhigay dugsi waxbarasho oo hoose dhexe oo ay dawladda hoose ee Gabiley hirgelinayso.

Dugsigan cusub oo laga hirgelinayo deegaanka Kidiga ee Woqooyiga magaaladda Gabiley, waxaanu dugsigaasi oo dhisme ahaan iyo qalab ahaanba dhamaystiran ayaa ka kooban laba fasal.

Waana dugsigii u horeeyay oo ay golaha deegaanka cusub ee degmadda Gabiley ay hirgelinayaan, kaasoo qayb ka ah todoba mashruuc oo ay dhawaan hirgelinayso dawladda hoose ee Gabiley.

Sida uu sheegay maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, oo hadal ka jeediyay dhagax dhigii dugsigaasi cusub.

Geesta kale qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaanka Kidiga ayaa si weyn u soo dhaweeyay dugsigan waxbarasho ee loo dhagax dhigay.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments