HomeWararkaDaraasad Lagu Hubinayay Tayadda Biyaha Ay Wershaduhu Sifeeyaan Oo La Soo Bandhigay

Daraasad Lagu Hubinayay Tayadda Biyaha Ay Wershaduhu Sifeeyaan Oo La Soo Bandhigay

    

Waxaa maanta magaaladda Hargaysa lagu soo bandhigay Daraasad lagu eegayey Tayada biyaha Mooya-sixada ee ay soo wershaduhu soo saaraan.


Kulankan ayaa waxaa ka soo qayb galay shirkaddaha soo saara Biyaha mooya-sixada, wasiirrada wasaaradaha Caafimaadka, Biyaha, Haayadda Dhawrista Tayada Qaranka iyo maamulka Wakaaladda Biyaha Hargaysa.

Daraasaddan oo dulucda waxyaabaha ka soo baxay ay noqotay in biyaha mooya-sixada dalku ay guud ahaan yihiin kuwo ku haboon cabitaanka.
Marka loo eegayo heerka ay u u dejisay haayadda Caafimaadka aduunka WHO iyo heer-tayeedyada ay dejiyeen Waddamada Bariga Africa.
Sidoo kale waxaa daraasadaasi lagu iftiimiyay qodobo ay ka midyihiin:
1:  in macdanaha aasaasiga ah ee biyaha dabiiciga ah ku jira ay aad hoos ugu  dhacaan marka la sifeeyo biyaha loona baahanyahay in kor loo qaado.
2: in noocyada biyaha ee waaweyn(18 litre)  maadaama oo dib loo buuxiyo ay keento in ay ku dhalato il-maqabatiga bakteeriyada ah.
Waxaana ka mid ah (E.coli iyo Total Coliform), loona baahanyahay in xal loo helo.  3. In la is waafajiyo qoraalka weheliya caagadaha mooya-sixada(Label) iyo macdanaha ku jira biyahaas.

Ugu damabayntii, waxa si wadir-jir ah la iskula qaatay in guddi farsamo oo ka kooban Shirkaddaha biyaha mooya-sixada iyo haayaddaha dawladda ee ku shaqada leh loo saaro.
Si loo hirgaliyo talo-soo-jeedintii kasoo baxday cilmibaadhistan oo ahayd wajiga labaad ee daraasaddii la soo bandhigay horaantii bishii July ee sanadkan 2021-ka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments