HomeWararkaCirro oo Ku Hanjabay Talaabo Uu Qaadayo Hadii Aanay Doorashadu Wakhtigeeda Ku...

Cirro oo Ku Hanjabay Talaabo Uu Qaadayo Hadii Aanay Doorashadu Wakhtigeeda Ku Qabsoomin

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxaa uu eedaymo kulul u jeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi in aanu diyaar u ahayn in uu qabto doorashooyinka mudaysan dabayaaqada sannadkan.

Waxaa uu sheegay in khudbad sannadeedkii uu madaxweyne Biixi shalay u jeediyay labada gole baarlamaan anay muujinayn in madaxweynuhu uu diyaar u yahay qabashada doorashooyinka.

Sidoo kale, Cirro, ayaa waxaa uu ku gacan-saydhay guddiga uu madaxweynuhu magacaabay, isaga oo sheegay in uu hal xisbi ka soo xulay.

Waxa uu sheegay inay Somaliland qaaday jidkii kalidii-talisnimada, waxaanu taageerayaasha xisbiga Waddani ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan talaabooyin uu sheegay in dib loogu soo celinayo dimuquraadiyada Somaliland.

Cirro waxa uu sheegay in axsaabta mucaaradka ahi ay iskugu iman doonaan shir deg deg ah “Axsaabta mucaaradka ahi waxay iskugu iman doonaan shir deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan marxalada dalku galay”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments