HomeWararkauddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale iyo Maamulka Gobolka...

uddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale iyo Maamulka Gobolka Togdheer

Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale iyo Maamulka Gobolka Togdheer ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhismaha cusub ee xarunta Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshil Bank International ee magaalada Burco.

Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qayb galay haldoorka gobolka, ganacsatada, culimada, haweenka, aqoonyahanka, madax-dhaqameedka, masuuliyiin kala duwan iyo guud ahaan macaamiisha Dahabshil Bank ee magaalada Burco

Gunaanadkii munaasibadda Maayirka magaalada Burco ayaa Shahaado sharaf Gudoonsiiyay Shirkadda Dahabshiil Group oo wax badan ka qabatay horumarka baahiyaha kala duwan ee Gobolka sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo guud ahaanba kaabayaasha kala duwan ee dhaqaalaha.

DahabshilBankInternational #DBI #Burco #Togdheer #DahabshiilGroup #IskaashiIyoHorumar #FinancialServices
Bulshotv – apps on google play – https://bit.ly/3gKGW4z
Follow bulsho television 24 hours news update channel
https://www.facebook.com/BulshoNewsTv
https://twitter.com/bulshotvnews
visit latest news Blogger https://tvbulsho.blogspot.com

All right reserved Bulsho tv news on youTube subscribe: https://bit.ly/3d2Q7Ls

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments