fbpx
Friday, September 20, 2024
HomeWararkaXukuumadda oo guddi 12 xubnood ah u xil-saartay xaalad culus ee ka...

Xukuumadda oo guddi 12 xubnood ah u xil-saartay xaalad culus ee ka soo Korodhay Dalka Sudan.

Muqdisho (Haldoor News) – Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulan deg-deg ah oo galabta ay isugu yimaadeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.

Kulankaas waxaa lagu magacaabay guddi ka shaqayn doona soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan colaadda ka taagan dalka Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibada Abshir Haruuse ayaa warbixin shirka ka siisay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka Soomaaliyeed ku sugan dalka Suudaan oo maalmihii ugu danbeeyey hareeyeen colaado sokeeye.

Wasiir Haruuse ayaa sheegay in ay wasaaraddu xiriiro kala duwan la samaysay diblamaasiyiinta dowladaha deriska la ah Suudaan, si ay ugu fududeeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si nabad ah ugu talaabaan.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya ayaa sheegay in xuduudaha Suudaan ay ka howl galiyeen xarumo dadka Soomaaliyeed loogu fududaynayo isku socodka.

Xubnaha guddiga ee loo magacaabay soo samata bixinta Soomaalida ku go’doonsan Suudaan ayaa ka kooban 12 oo wasiirka arrimaha dibadda uu hoggaaminayo.

Xubnaha guddiga ayaa ka kala ah:-

  1. Mudane Abshir Cumar Jaamac – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Guddomiye
  2. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawida Xubin
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi – Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xubin
  4. Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xubin
  5. Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye – Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xubin
  6. Mudane Dr Cali Xaaji Aadan – Wasiirka Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulshada Xubin
  7. Mudane Maxamed Barre Maxamuud – Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xubin
  8. Mudane Daauud Aweys Jaamac – Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xubin
  9. Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh bashiir – Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Xubin
  10. Mudane Maxamed Cali Xagaa – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Ahna Ku Simaha Wasiirka Xubin
  11. Mudane Xirsi Jaamac Gaani – Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xubin
  12. Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf – Ergayga arrimaha xuquuqda soo-galootiga -Xiriiriye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa faray guddiga in ay sida ugu dhakhsaha badan uga howlgalaan soo samatabixinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku xaniban dalka Suudaan.

Xigasho Caasimada Online

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir