Laascaanood 27/3/2023 Isniin (Haldoor News):-Magaalada Laascaanood oo shalay dagaal culus ka dhacay duleedkeeda ayaa saaka jawigeedu dagan yahay, oo labadii dhinac ee isku hor fadhiyay midina aanu wax talaabo ah qaadin.
Wararka aanu ka helnay saaka Laascaanood waxa ay sheegayaan in Ciidamada Huwantu ay dib uga ruqaansadeen fadhiisimihii ay ku sugnaayeen, oo ay kaga tageen wardiyayaal kaliya, kadib dagaalkii shalay dhacay.
Dagaalkii shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinacba gaadhay.
Lama hubo in xaladu sidaas sii ahaan karto, maaadaama oo shalay ay warbaahinta iskaga jawaabeen Dawlada Somaliland iyo gudiga 33ka ah, waxaanay labada Ciidan ay ku jiraan heegan buuxa, sida ay tibaaxayaan wararka aanu helnay.
Haldoornews.com
Desk