Hargeisa 11/3/2023 Sabti (Haldoor News):-Golaha Guurtidda ee Jsl oo Saaka Warbaahinta la wadaagtay Tirada Dadka anshax xumada loo xidhay gudaha Somaliland.
Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye kuxigeenka golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay.
Guddoomiye ku xigeenku waxa uu mudanayaasha ku wargeliyay in la dhageysan doono warbixinaha guddi hoosaadyada golaha guurtida ee kalfadhigii 80aad.
Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadeglyada iyo ditaaca ee golaha guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase), ayaa sheegay 40 qof loo hayo Liwaad ama Qoomuluud.
Waxa uu sheegay in 12 maxkamad lageeyay, in baadhis lagu sameeyay 16, in 8na ay garsugayaal yihiin, halka 4 qofna lagu xukumay 8 sano oo xadhiga.