fbpx
Saturday, September 21, 2024
HomeWararkaXiisad horleh oo Itoobiya kasoo cusboonaatay kadib heshiiskii lala galay TPLF

Xiisad horleh oo Itoobiya kasoo cusboonaatay kadib heshiiskii lala galay TPLF

Addis-ababa (Haldoor News): – Dowladda Ttoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay markale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan.

Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.

Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka.

“Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir