Haldoornews.com
Shirkada ka Dhisan Imaaraadka Carabta ayaa ka samaynaysa warshadd Aaga Cashuuraha ka Caagan ee Magaalada Berbera.
November 8, 2022 - Written by admin

Dubia 8-11-2011 Salaasa (Haldoor News):-Shirkadda DP World ayaa heshiis kiro iyo wada shaqayn ah la saxeexatay shirkadda IFFCO oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u horumariso warshad Soo saarta (baakad)  saliidda cuntada ah oo ku taal Aagga dhaqaalaha Berbera (BEZ) ee Somaliland.

IFFCO Somaliland waxay heshiis 25 sano ah la saxeexatay BEZ si ay u horumariso dhisme dhan 300,000 sq ft,oo u Dhiganta 2 KM  iyada oo mustaqbalka qorshayaasha balaadhinta lagu kordhin doono 300,000 sq ft. boqolaal shaqo oo loogu talagalay muwaadiniinta gudaha  Somaliland iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye ee tooska ah ee Somaliland.

Suhail Albanna, maamulaha guud iyo agaasimaha maamulka DP World, Bariga Dhexe iyo Afrika, iyo agaasimaha fulinta ee IFFCO Rizwan Ahmed ayaa saxiixay heshiiska.

DP World waxa ay horumarinaysaa BEZ ka dib markii ay maal-gelin ku samaysay Dekedda Berbera si ay u abuurto xarun isku xidhan oo badda, saadka iyo warshadaha ah oo loogu adeego Geeska Afrika.

Albanna wuxuu yiri: “Go’aanka IFFCO ee lagu dhisayo warshad waa codka kalsoonida ee aagga iyo markhaatifurka wax-soo-saarkayaga. Runtii dekedda, aagga dhaqaalaha iyo hal-ganacsi oo dhammaantood hoos yimaada DP World, waxay noqon doontaa sidii guri ka baxsan guriga macaamiisha Dubai sida IFFCO

Haldoor News Desk

Hargeisa Office

Haldoornews@yahoo.com

 

COMMENTS
Wararka