Haldoornews.com
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Geeriye Wariye Sayid Cismaan Mire…Akhriso Faahfaahinta
October 22, 2022 - Written by admin

Hargeysa(Haldoor News):- Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Geeriye Wariye Sayid Cismaan Mire…Akhriso Faahfaahinta

TACSI MADAXWEYNE: 22/10/2022.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ku geeriyooday dalka Ethiopia caawa oo ay taariikhdu ahayd 22/10/2022.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, xilal kala duwana u soo qabtay Qaranka Somaliland, intii danbena mihnaddiisa warbaahineed ugu adeegayey shacbiga iyo dalkiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda Saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

COMMENTS
Wararka