HomeWararkaMadaxweyne Biixi oo Shacabka Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-doon Ah

Madaxweyne Biixi oo Shacabka Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaad Roob-doon Ah

– Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaad roob-doon ah oo shalay dad oo dhan lagu wargeliyay inay iskugu soo baxaan salaadaas, maantana la oogay.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil kale, ayaa shacabka kala qaybgalay salaad roob-doon ah oo lagu oogay masaajidka Ibraahim-dheere ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Diin iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa bulshada u jeediyey khudbad dheer oo u saabsan iscafinta, Alle bariga iyo midaynta quluubta bulshada.

Waxana uu ku baaqay inay maalmaha Khayrka leh ee bisha Ramadaan ku camiraan baryada Eebbe, gaar ahaan weydiisashada raxmaadka oo wakhtigan dad iyo duunyoba baahi weyn loo qabo.

Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa isaguna bulshada reer Somaliland ugu duceeyey inuu Eebbe  abaaraha ka soo jebiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay toobad-keenka badiyaan.

  

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments