HomeWararkaWiil Yar oo Ku Geeriyooday Barkad Ku Taalla Magaalada Gabiley

Wiil Yar oo Ku Geeriyooday Barkad Ku Taalla Magaalada Gabiley

Home  Latest News
    

Waxaa maanta magaalada Gabiley ka dhacay dhacdo naxdin leh, kadib markii uu Wiil Yar ku geeriyooday Barkad ku taalla deegaanka Cadda-dhaadheeray ee magaalada Gabiley.

Wiilkan yar ee ku geeriyooday Barkadaasi oo 13 jir ahaa, ayaa waxaa sida la sheegay lagu magacaabi jiray Mustafe Barkhad.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in Wiilkan yar uu barkadaasi u tagay si uu biyo uga soo dhaamiyo subaxdii hore ee maanta.

Meydka Willka yar, ayaa barkada laga soo saaray kadib markii uu dhintay.

Waxaana goobta ay dhacdadu ka dhacda gaadhay Maamulka degmada Gabilay, iyaga oo qoyskii uu Wiilkan yar uu ka baxay ka tacsiyadeeyay geeridiisa .

Sikastaba, dadka ku dhinta barkadaha biyaha, ayaa sare u kacday deegaanada Somaliland tan iyo markii uu bilaabmay xili roobaadka gugu.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments