HomeWararkaDawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Banaysay Waddooyin Xidhnaa

Dawladda Hoose Ee Laascaanood Oo Banaysay Waddooyin Xidhnaa

     Dawladda hoose ee magaaladda Laascaanood ayaa maanta magaaladaasi ka bilawday hawl gal ay ku banaynayeen Waddooyin xidhmay oo ku yaalla magaaladaasi.

Waxaana hgalkaasi lagu banaynayay Waddooyinka xidhmay ee magaaladda Laascaanood waxaa hor kacayay maayarka magaaladaasi C/rixiin Cali Ismaaciil, maayar ku-xigeenkiisa iyo xubno ka mkida golaha deegaanka Laascaanood.

Hawl galkaasi ayaa la qorsheeyay in lagu baneeyo in ka badan 11 jid ooh ore u xidhmay. Kaasoo saaka si rasmi ah looga bilaabay xaafadaha magaaladaasi.

Jidadkaasi ayaa qaarkoodna ay dhawaan xidhmeen halka kuwo kalena ay muddo sanado ah xidhnaayeen, Waddooyinkaasi oo ay dhibaato ku qabeen bulshadda magaaladaasi.

C/rixiin Cali Ismaaciil,  ayaa sheegay in hawl galkaasi uu soconayo  ilaa inta wada furayaan jidadka xidhmay, isla markaana Laascaanood  ay noqonayso meel qurux badan.

Dhinaca kale bulshadda ku nool xaafadaha laga fuliyay Waddo banayntaasi ayaa  soo dhaweeyay banaynta jidadkaasi, waxaanay tilmaameen in cidhiidhi iyo dhib ku qabeen maritaanka jidkaasi.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments