Haldoornews.com
Somaliland: Qiimaha Maceeshadda Daruuriga ah Oo Cirka Isku Shareeray
April 20, 2021 - Written by admin
    

Qiimaha maciishadda la quuto ayaa maalmihii u danbeeyay si weyn kor ugu kacay, xili lagu guddo jirro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Taasoo lagu sababeeyay in ay qiimaha kor u qaadeen badeecaha kala duwan ee ay dalka keenaan ganacsatadda dalka dibadiisa wax ka soo dejiya ama ganacsatadda sare  ee dalka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha ganacsatadda dhexe ee gobolka Saaxil Jamaal Siciid Maxamuud, oo sababta arrintaasi dusha u saaray ganacsatadda waaweyn ee dibadda ka soo dejiya maciishadaha.

Wuxuu sheegay in ay saamayn xun ku keentay dadka qaybaha jilicsan ee bulshadda ku nool magaalooyinka iyo sidoo kale dadka reer baadiyaha ee xoolo dhaqatadda ah.

 

COMMENTS
Wararka