Waxaa goor-dhawayd oo maanta ah magaalada Gabiley aas qaran loogu sameeyay alle ha u naxariistee Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga
Aaska Suldaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Salaadiin, masuuliyiin kala duwan ka tirsan xukuumadda Somalilnad, maamulka degmada Gabiley iyo dadweyne tiro badan, kuwaas oo marxuunka Alle uga baryay inuu u naxariisto dembigiisana dhaafo.
