Haldoornews.com
Jabuuti oo Loo Darreeray Goobaha Codbixinta Doorashada
April 9, 2021 - Written by admin
Codbixinta Doorashada Jabuuti
Codbixinta Doorashada Jabuuti
    

Shacabka reer Jabuuti oo ayaa waxaa ay saaka u darreereen  goobaha codbixinta doorashooyinka madaxtinimo oo saaka si rasmi ah uga furmay guudaha Dalkaasi.

Dadka gaadhaya ilaa 215,000  oo ruux ayaa loo diiwaangaliyay in ay ka codeeyaan dalkaasi Jabuuti.

Madaxweynaha hada ee dalka Jabuuti waxaa xilkan kula tartamaya  ganacsade caan ah oo si weyn looga yaqaan Dalkaasi, kaas oo lagu magacaabo Zakariye Ismciil Faarax, oo ah 56 jir ku cusub siyaasadda.

Xisbiyada mucaaradka ee ugu waaweyn dalka Jabuuti ayaa qaadacay ka qeybgalka doorashada madaxtinimo ee dalkaasi.

Markii Shanaad ayuu doonayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele in uu markii shanad qabto xilka madaxtinimo, ka dib kolkii uu talada dalka Jabuuti la wareegay sanadkii 1999-kii.

COMMENTS
Wararka