Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday inay fasaxday dhamaan dugsiyadii waxbarashada sababo la xidhiidha xannuunka COVID-19.
Waxaana sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo maanta warbaahinta la hadlay.
