Haldoornews.com
Hay’adda Al-raxma Al-khayriya oo Deeq Biyo Ah Gaadhsiisay Deegaanka Fara-weyne
March 29, 2021 - Written by admin
     Hay’adda khayriga ah ee Jimciyatul Al-raxma Al-khayriya ayaa waxaa ay deeq biyo dhaamis ah gaadhsiiyay deegaano ka mid ah degmada Fara-weyne.

Sheekh Cabdala Maxmed Ibraahim oo ah guddoomiyaha Jimciyatul Al-raxma Al-khayriya ayaa ka hadlay deeqdan ay ka hay’add ahaan soo gaadhsiiyeen deegaankaasi.

Waxanu u mahadnaqay dadka qurbo joogta ah ee ka soo jawaabay xaalada degmada Fara-weyne ka jirta.

Dhanka kale, Guddoomiyaha degmad Fara-weyne Maxamed Cabdi Gargaar ayaa soo dhaweeyay deeqdan ay ha’adda Jimciyatul Al-raxma Al-khayriya ay soo gaadhsiisay degmada.

COMMENTS
Wararka