Haldoornews.com
Guddida Ka Hortagga Covid-19 oo Go’aamo Hor Leh Soo Saaray
March 22, 2021 - Written by admin
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland
    

Guddida ka hortaga heer Qaran ee Covid-19, ee Somaliland oo maanta kulan ku yeeshay aqalka madaxtooyada, ayaa soo saaray go’aamo hor leh oo lagaga hortago faafitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa akhriyay go’aamada ay soo saareen, kuwaas oo ah kuwo lagaga hortago fiditaanka xannuunka Covid-19.

Go’aamadan ay guddidu soo saartay ayaa ku soo beegmaya, xilli xannuunka Covid-19 uu kor u kacay, dhimashada bulshadu ay badan tahay.

COMMENTS
Wararka