Haldoornews.com
Af-hayeenkii Madaxweynaha Somaliland oo Is Casilay
March 3, 2021 - Written by admin
Maxamuud Warsame Jaamac
Maxamuud Warsame Jaamac
    

Maxamuud Warsame Jaamac, Af-hayeenkii madaxtooyada Somaliland la hadlaayay warbaahin ayaa shaaciyay inuu baneeyay xilkii af-hayeenimo maadaama oo uu yahay murashax u taagan golaha wakiilad ee gobolka Sannaag.

Maxamuud Warsame wuxuu xusay in xil banayntiisa ay keentay in aanu xeerka doorashooyinku ogolayn in cida u taagan qabashada jaggo kale aanay aanay hayn karin xil qaran.

Af-hayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud warsame Jaamac wuxuu dadweynaha ku nool gobolka Sannaag u soo jeediyay inay ka shaqeeyaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo degaanka, doortaana murashixiin ka shaqeeya horumarkooda.

COMMENTS
Wararka