fbpx
Tuesday, October 22, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Horyaal TV Oo Ka Hadlay Xadhiga Weriye Hoodo Garays

Guddoomiyaha Horyaal TV Oo Ka Hadlay Xadhiga Weriye Hoodo Garays

    

Guddoomiyaha telefishanka Horyaal TV Maxamed Cismaan Mirre (Sayid), ayaa wax laga xumaado ka xumaaday jidh dil iyo dhaawacyo ay ciidamadda booliska Hargaysa u gaysteen weriye Hoodo Garays iyo hooyadeed.

Falkaasi oo ay ciidamadda booliska ee saldhiga xaafadda Qudhac-dheer kula kaceen weriye Hoodo Garays oo ka hawl gasha Horyaal TV iyo hooyadeed, iyadoo ay weli weriye Hoodoo o dhaawacyo qabtaa ku xidhan tahay saldhiga Qudhac-dheer.

Maxamed Cismaan Mirre, ayaa falkaasi ku tilmaamay tacadi iyo mid aan la qaadan Karin oo ka baxsan anshaxa iyo hab dhaqanka ciidamadda booliska Somaliland.

Sidoo kale guddoomiye Sayid, waxa uu ka hadlay  ficilo ay  kala kulmeen booliska Qudhac-dheer, kadib isku day ay maanta sameeyeen isaga iyo masuuliyiin ka tirsan ururka SOLJA oo ay ku doonayeen in ay ku booqdaan weriye Hoodo Garays.

Isagoona sheegay in booliska Qudhac-dheer markii ay saldhiga tegeen ay si anshaxa ka baxsan ula dhaqmeen isaga iyo masuuliyiintii la socday, isla markaana ay iyagii tacadi  kula kaceen.

Geesta kale, guddoomiye Sayid, ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha Somaliland iyo taliyaha ciidamadda booliska in ay wax ka qabtaan falalka tacadiga ah ee ay boolisku weriyahan kula kaceen.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir