HomeWararkaWasaarada Waxbarashada oo Sheegtay In Loo Baahan Yahay In Muwaadiniintu Helaan Xirfad...

Wasaarada Waxbarashada oo Sheegtay In Loo Baahan Yahay In Muwaadiniintu Helaan Xirfad Ay Ku Shaqeystaan

Home  Latest News
    

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, mudane Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay in loo baahan yahay in muwaadiniintu helaan xirfad ay ku shaqeystaan.

Sidoo kale, waxaa uu ka hadlay siyaasada xukuumadda Somaliland ay ka leedahay arrimaha shaqo abuurka, isaga oo tilmaamay in dalka ay joogaan muwaadiniin badan oo ajaanib ah, islamarkaana haya hawlaha farsamo.

Waxaanu muwaadininta ugu baaqay in ay tartan la galaan oo ay bartaan shaqooyinka farsamada gacanta si ay nafahooda iyo dalkoodaba wax u taraan.

Dhanka kale, waxaa uu intaas raaciyay in loo siman yahay shaqooyinka dalka gudihiisa, isla markaana aan cid gaara loo xidhi karin maadama uu ganacsigu xor yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments