fbpx
Thursday, November 21, 2024
HomeArticlesAragti Dahabi ah oo Dadka in yari Ku baraarugsan tahay.

Aragti Dahabi ah oo Dadka in yari Ku baraarugsan tahay.

Nidaam Dawli ah oo adag oo leh Ciidamo Xoog badan, Nidaam Sharci oo Shaqaynaya, bulsho Ku Midaysan Mab’da, Wadaniyad iyo Dal-jacayl ka hir-gala Ciid Somaliyeed Dalal badan raali kama aha, Arinkana dagaal adag oo siyaasi ah ayay kaga jiraan, Marka kowaadna waa in ay inaga ina-qayb qaybiyaan.

Waxa iyaga u Wanaagsan inagoo kala ah beelo dhaqanku Maamulo oo Reer Kastaa Calan u gaar ah leeyahay Sababtoo ah Wax-ba Uma diidayaan in Sidii 1884-kii si hawl yar u gumaystaan Dadkeena, Waayo haddii aynu qayb qaybsano awoodeenuna Way liciifaysa oo hoos bay u dhacaysaa.

Nin Cad-baa 1884-kii ina Gumaystee, Nin Kula diir ah oo Maddow intuu Ku gumaysto, Dekedahaga qaato, Khayraadka Dalkaga bililiqaysto oo Umadada Duleeyo ayaa inamaysa haddii aynaan iska garan dabinada iyo Xadhkaha dalkaga loo xidhayo.

Somaliland Waa Dawlad iyo Nidaam dhisan oo dadkeedu tashaday, Waxa dagaal ku soo qaaday dawlado arkay in ay si xawli ah u korayso oo Somaliland ku sii siqayso in ka mid noqoto Dawladaha Aduun-yada, kuwaas oo siyaasadooda ka dhex arki waayey Somaliland.

Somaliland Waa Dal leh Ciidan xoog badan oo ku Filan Amniga Dalka, Nidaam Dawli ah, Qawaaniin iyo Xeerar Shaqaynaya.

Bulsho ahaan Waa in aynaan Fududayn danaha Shisheeye ee dadkeena la soo dhex-marinayo, Dawladnimo Wax aan ahayn oo aynu aduunyada Wax kula qaybsan karnona Ma jirto, Aduunka Waxa isku Dawlad ah dad-yow kala Dhaqan iyo Diin ah, Somaliland Waa bulsho isku Dhaqan iyo Diin ah.

Tusaale ahaan Raysal-wasaaraha Ethiopia oo hadlay Ganacsatada Dalka Ethiopia Todobaadkan, Waxa uu Yidhi, Haddii Deked/Marso aynu ku Wayno nabad yo Wada hadal, Awood Meleteri ayaanu ku raadinaynaa.

Waxa ay dekedeheenu ka mid yihiin Dekedaha ay Ethiopia indhaha Ku hayso. Haddii aynu Reero noqono oo dawladeena iyo Nidaamkeena iska dumino Miyaynu iska Caabiyi-karnaa Dawlada Qarniyada jirtay ee Ethiopia. Waa Maya, aynu Qarankeena iyo dawladeena ilaashano, Markasta oo Dhexdeena Khilaaf-yimaadona Tudhaale ito Samir aynu kaga Gudubno.

Dadka Umada hugaaminaya Waxa la gudboon in ay Umada ku hugaamiyaan aragti Fog.

Allah Mahad leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir