Waxaan dhambaal-hambalyo ah oo ku aadan xuska iyo xasuusta Maalintii Xoriyada 26 June 1960-kii u dirayaa Dhamaan Umada Somaliland.
Waxa aan bogaadinayaa hugaaminta iyo hal-adayga Maddaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland MD: Muuse Biixi Cabdi oo ah hugaamiye ay dhab ka tahay, ka midho-dhalinta Himilada Umada Somaliland.
Waxa xus iyo xasuus inaga Mudan halyeyadii hormuudka u ahaa Xornimodoonkii Dalka Somaliland Intii u dhaxaysay 1884-kii ilaa 1960-kii.
Waxa xurmayn inaga mudan Halyeyadii SNM ee naftooda u huray In dib loo helo Maddaxbanaanidii aynu taladeeda il-duufnay Sanadkii 1960-kii.
Sanadka 2023-ka Waa Sanad lagu soo Duulay jiritaanka, Nabada, Xasiloonida iyo Horumarka Umada Somaliland, Sebenkastaa Rag buu lee yahaye, Waxa aan bogaadinayaa Libaaxyada aan Maalina laga gacan Sarayn ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Gebagebadii Waxa aan umada Somaliland u rajaynayaa Guul-waarta, Horumar iyo Calanka Tawxiidku ku xardhan yahay ee Jamhuuriyada Somaliland oo Sareeya.
Guul iyo Gobanimo.
“Maalina ma an-bado Geesigu, Bulshadase la il-duufta”
Jibo-dame: Maya
Dr. Maxamuud Saleebaan X. Ducaale
Isuduwaha Hay”ada Dhawrisra Tayada G. Maroodi-jeex.