Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegaysa in tirada dhimashadu, ay haatan marayso 120 qof.
Dhinaca kale waxa socda gurmad loo samaynayo dadka ay dhibaatadu ku gaartay qaraxyadii lagu hoobtay ee Sabtidii Muqdisho ka dhacay.
Dawladda ayaa shalay magacowday Guddi heer wasiirro ah oo isku dubarida hawlaha gurmadka ee socda, waxana gudoomiye u ah wasiirka caafimaadka Dr Cali Xaaji.
Wasiirka ayaa BBC-da uga warramay, xogtii u dambeysay ee tirada dhimashada iyo dhawaacyada ee qaraxyadii Sabtidii.