Haldoornews.com
Taageerayaal Koox Faransiis Ah oo Xalay Falastiin Taageero U Muujiyey Kana Cadhaysiiyey Israel
October 26, 2022 - Written by admin
Paris(Haldoor News):-Fiidnimadii xalay, garoonka weyn ee ‘Beerta Amiirrada’ ee ku yaalla caasimadda waddanka Faransiiska ee Paris oo ay ka dhacsayay ciyaar ka tirsanayd koobka naadiyada horyaallada qaaradda Yurub ee Champion-ka oo ay isku haleeleen kooxda Faransiiska ah ee PSG iyo Koox ka dhisan Maamulka Israel oo lagu magacaabo Makaabi Xayfa waxa ka dhacday arrin cadho galisay Israel.
Kumannaan taageerayaasha kooxda PSG ah ayaa garoonka ku soo bandhigay olole ay taageero ugu muujinayeen shacabka reer Falastiin iyo qaddiyadooda, wakhti maalmihii ugu dambeeyey Israel gabood-fallo ka gaysanaysay dhul ka tirsa geyiga Falastiinta la haysto.
“Gaaza way sii jiraysaa, …. Gaaza way halgamaysaa” kuwani waxa ay ahaayeen halku-dhegyo waaweyn oo ay boodhadh ku soo xardheen sidoo kalena ay calanka dalka Falastiin garoonka la yimaaddeen taageerayaasha kooxda PSG. Hal-kudhegyadaasi oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan shacabka Falastiin ee dhibaataysan waxaana arrintaa ka xumaaday taageerayaasha kooxda Makaabi Xayfa ee Israel oo garoonka wajahadda kale soo fadhiyay. Ciyaarty waxa ay ku dhammaatay 7-2 lagu karbaashay kooxdii Israel ka socotay oo sidaa tartanka kaga hadhay.
Dalka Faransiiska waxa ku sugan jaaliyadda ugu badan ee Carbeed ee Yurub ku nool, kuwaasi oo ka soo jeeda waddamada Woqooyiga Afrika ee Maqrib Al Carabi.

COMMENTS
Wararka