fbpx
Wednesday, October 23, 2024
HomeWararkaBasaasiinta Shiinaha ee lagu Xidhay Maraykanka | iyo shaqada ay ka qabanayeen...

Basaasiinta Shiinaha ee lagu Xidhay Maraykanka | iyo shaqada ay ka qabanayeen gudaha Maraykanka.

6Washinton (Haldoor News):-Mareykanka ayaa eedeymo culus u jeediyay dowladda Shiinaha oo uu ku eedeeyay in ay basaasiin ku beereen gudaha Maraykanka iyo inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee dalkaas, arrintaas oo ah xiisad cusub oo ka dhex aloosan labada dal oo xidhiidhkoodu dhawaanahan sii xumaanayay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Merrick Garland, ayaa ku dhawaaqay in 13 qof oo Shiinees ah lagu soo oogay dacwad ah inay faragelin ku sameeyeen nidaamka garsoorka Mareykanka.

Warbaahinta oo soo xiganaysa Garland ayaa sheegtay in saddex kiis oo kala duwan ay muujinayaan in “dawladda Shiinahu ay doonaysay inay farageliso xuquuqda iyo xorriyadaha shakhsiyaadka Maraykanka ah, iyo inay wiiqdo nidaamka garsoorka ee ilaalinaya xuquuqdan.”

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday eedeymaha ka dhanka ah laba basaasiin Shiinees ah oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku sameeyeen kiis ku jira maxkamad federaal ah, kiiskan oo ka dhan ah shirkad isgaarsiineed oo caalami ah oo fadhigeedu yahay Shiinaha.

Ilaha Mareykanka ayaa tilmaamay in shirkadda isgaarsiinta Shiinahu ay wajahayso maxkamad federaal ah oo ku taal xaafada Brooklyn, gobolka New York. Sida ku cad dukumentiyada Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka.

Sida laga soo xigtay CNN, shirkadda laga hadlayaa waa shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei.

Labada nin ee lagu eedeeyay basaasnimada ayaa lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen baadhitaanka waaxda cadaaladda ee ka dhanka ah Huawei, waxaana lagu wadaa in xeer ilaaliyaha guud Merrick Garland iyo saraakiil kale oo ka tirsan waaxda cadaaladda ay ku dhawaaqaan arrimaha muhiimka ah ee amniga qaranka, sida ilo wareedyadu ay sheegayaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in kiisasku ay la Xidhiidhaan qorsheyaal saameyn xaasidnimo leh iyo fal-dembiyeedyo kuwaasi oo ay ku eedeeyeen wakiilo ka socda gobol ka mida Mareykanka. Sida ay hadalka u dhigtay waaxda Cadaalada ee Maraykanku.

Sida laga soo xigtay faahfaahinta kiiska, labada basaasiinta Shiinaha ayaa kala ah Juchun He iyo Jing Wang, kuwaas oo xidhiidh la lahaa sarkaalka fulinta sharciga ee gacanta ku yahay kiiska oo bilowday 2017.

Maraykanka ayaa daaha ka qaaday kiiskan isagoo shaqaaleysiiyay qof sirdoon ah oo laba wajiile ah ama double agent ah kaas oo lagu dhex darsaday Basaasiinta shiinaha, halka labada basaas ee Shiinahu ay aaminsanaayeen inay qorteen qof ay raadinayeen, balse waxaa soo baxday inuu weli u adeegayo sirdoonka dalkiisa. Waxaanu fashiliyey hawlaha basaasnimo ee ay wadeen.

Markii uu bilowday baadhitaanka kiiska Huawei, labadoodu waxay weydiiyeen mas’uulkan macluumaadka ku saabsan marqaatiyaal, cadeymo maxkamadeed iyo eedeymo cusub oo laga yaabo in lagu soo oogo Huawei, taas bedelkeedana sarkaalka Mareykanku wuxuu helay kumanaan doolar oo lacag caddaan ah iyo dahab, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu.

Kiisaska uu Garland sidoo kale shaaca ka qaaday waxa ka mid ah kiiska 7 Shiinees ah oo lagu eedeeyay in ay isku dayeen in ay ku qasbaan muwaadiniintooda degan Mareykanka in ay ku laabtaan Shiinaha taas oo qayb ka ah ololaha dib u celinta qasabka ah ee ay hormuudka ka tahay Beijing.

Kiiskii saddexaad, afar qof oo Shiinees ah ayaa lagu soo oogay dacwad “la xidhiidha olole sirdoon oo muddo dheer socday, kaas oo lagu beegsanayey dadka Mareykanka ah, si ay ugu shaqeeyaan Shiinaha.”

Ku dhawaaqista xadhiga dadkan ayaa ku soo beegantay maalin uun ka dib markii madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu markii saddexaad ku guulaystay hoggaanka xisbiga shuuciga ah ee Dalka Shiinaha, waxaana madaxweynaha Shiinahu uu isku diyaarinayaa in uu sii adkeeyo awooddiisa, isla markaana uu sii wado mashruuciisa ka dhanka ah Maraykanka. Iyo adkaynta xulafadiisa dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir