Haldoornews.com
Madaxweyne Ku-Xigeenka Oo Tababar U Furay Maayarrada Shan Degmo
August 16, 2021 - Written by admin
    

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta tababar u furay maayarrada shan ka mida degmo doorashooyinka dalka.

Tababarkaasi oo la xidhiidha mashruuca isku xidhka dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo JPLG ayaa loo qabtay xubnaha goleyaasha deegaanka ee shan ka mida degmooyinka dalka.

Furitaanka tababarkaasi waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), wasiirka arrimaha gudaha, masuuliyiinta machadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka oo tababarkaasi fulinaya.

Goleyaasha deegaanka degmooyinka tababarka loo qabtay ayaa kala ah Hargaysa, Gabiley, Berbera, Salaxley, iyo Baligubadle.

C/raxmaan Saylici, oo hadal ka jeediyay furitaanka tababarkaasi ayaa ka warbixiyay kaalinta muhiimka ah ee ay dawladaha hoose kaga jiraan arrimaha horumarinta bulshadda.

 

DAAWO: KHUDBADII C/raxmaan Saylici:

 

COMMENTS
Wararka